DHAGEYSO:- Jubbaland oo 10 maalin u qabatay in ay isku diiwaan geliyaan Warbaahinta ka jirta Kismaayo

0

Wasaaradda warfaafinta Jubbaland ayaa ku war-galisay shaqaalaha iyo wakiilada warbaahinta ka howlgalla deegaannada Jubbaland inay isku soo diiwaan-galiyaan muddo tobon cisho ah,sida lugu sheegay war-saxaafadeeed wasaaradda ka soo baxay.

Qoraalk ka soo baxay wasaaradda warfaafinta oo u ku saxiixna, wasiirka warfaafinta, gaadiidka iyo isgaarsiinta Jubbaland,Cabdinuur Cali Aadan, ayaa lagu xusay diiwaan gelinta inay billaabatay shalay oo ku beegneyd 3-da bisha Maarso waxaa uuna socon doonaa illaa toban maalmood oo maalinta kama dambeysta ah ay tahay 13-ka bisha Maarso.

Wasaaradda warfaafinta ayaa dhanka kale uga digtay shaqaalihii warbaahineed ee aan iska diiwaan gelin oo aanan qaadan shatiga iyo ruqsada shaqada inuusan ka howl gali doonin dhulka ay ka arrimiso dowlad gobaleedka Jubbaland.

Sidoo kale,wasaaraddu waxay caddeysay in is-diiwaangelinta tahay mid lacag la’aan, waxaana wasaaradda ay ku baaqday inay tixgeliyaan ogeysiiskaan cidda ay quseyso ku dhaqanka awaamirta wasaaradda ka soo baxay.

HALKAAN KA DHAGEYSO

 

HALKAAN HOOSE KA AQRI WARSAXAAFADEEDKA

Warsaxaafadeed