Kulankii gaarka ee Ra’isal Wasaaraha iyo Baarlamaanka oo la soo gabagabeeyay iyo muran ka dhashay

0

Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay kulankii saacadaha badan qaatay oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya su’aalaha ku weydiinaayee Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo Taliyaha Hay’ada nabad sugida Soomaaliya General Tuur yare.

Kulanka oo maanta duhurkii ka bilowday Xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxana goob jog ka ahaa qaar ka mid ah saraakiisha Hay’adaha amaanka iyo Wasiiro.

Maalinta berito ah ayaa waxaa lagu balamay in halkeeda laga sii amba qaado su’aalaha ay Xildhibaanada weydiinayaan Ra’isal Wasaaraha iyo Taliyaha Nabad sugida Soomaaliya.

Xildhibaanadii su’aalaha weydiiyay Ra’isal wasaaraha iyo Taliyaha nabad sugida ayaa waxaa u badnaa waxa soo cel celiyay qaraxyada iyo Weerarada joogta ah ee ka dhaca goobaha shacabka isugu yimaadaan.

Sidoo kale Su’aalaha ay Xildhibaanada weydiiyeen Ra’isal Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa sababta Xukuumada iyo Taliska nabad sugida ay amaanka Muqdisho ugu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ka jawaabay inta badan Su’aalaha ay Xildhibaanada weydiiyeen inkastoo Xildhibaanada qaar ay ku doodeen in Ra’isal Wasaaraha uusan si sax ugu jawaabin su’aalaha ay weydiiyeen.

Maalinta berito ah ayaa lagu balay in Ra’isal Wasaaraha iyo masuuliyiinta la socota ay mar kale hor yimaadaan Baarlamaanka si halkeeda loogu si wado su’aalaha ay Xildhibaanada qabaan.