Qarax xoogan ayaa ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxaana hada soconaya dagaal toos ah iyadoo rasaas badan si weyn looga maqlaayo hareeraha goobta uu qaraxa ka dhacay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay beerta nabada halka wararka qaarna ay sheegayaan meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.
Qarax kale oo gaari loo Adeegsaday ayaa asna ka dhacay Agagaarka Beerta Nabadda oo Hotelka SYL ku dhagan kana Xigta dhanka Koofurta.
Illaa hadda lama Oga Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxyada iyo Weerarka la doonayay in Hotelka lagu qaado.
La soco fahfaahinta iyo xaqiiqada oo waqtiga ugu hanboon la helo aad la soocn doontaan.