WAR DEG DEG:- Al-Shabaab oo sheegtay inay weerar xoogan ku qaadeen Hotelka SYL

0

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in Weerar xooggan ay goordhaw ku qaadeen meel ku dhaw madaxtooyada Villa Somalia.

Al shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxyo is xigxigay ay ku qaadeen hoteelka SYL oo kaabiga ku haya dhismaha madaxtooyada.

War kooban oo ay baahisay Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Al Shabaab ayaa sheegtay in ciidamo Inqimaasiyiin ah sida ay hadalka u dhigeen ay gudaha ugaleen Hoteelka.

“Guutada istish-haadiyiinta ayaa howlgal inqimaasi iyo istish-haadi ah ka wadda Hoteelka SYL oo ay deganyihiin dublumaasiyiin shisheeye iyo madax katirsan dowlada”ayaa lagu yiri warka laga soo daayay Idaacadda Andalus.