DHAGEYSO:- Maamulka gobolka Gedo oo go’aano ka soo saaray Xasuuqa ay Kenya ka wado gobolkaasi

0

Maamulka gobolka Gedo ayaa si cad u sheegay in Dowlada Kenya ay ku xad gudubtay sharciga dowliga ah isla markaana ay sharci daro ah u duqeyneyso  deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Afhayeenka maamulka gobolka gedo ayaa sheegay in Kenya ay ku dhawaad labo bil ay iska xasuuqayaan shacabka ku nool deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobol Gedo.

Waxa u tilmaamay in aysan aqbali doonin la dhibaateeyo shacabka soomaaliyeed ee tabarta yare e u baahan gargaar, isla markaana ay Kenya ka dalbanayan in ay joojiyaan.

Waxa uu Madaxda Dowlada iyo beesha Caalamka ugu baaqay in ay kenyala kula xisaabtamaan in ay joojiso xasuuqa ay Gobolka Gedo ka wado.

Hoos ka Dhageyso Codka:-