Shir madaxeedka Bariga Afrika (EAC),oo lagu waday in magaalada Arusha, ee dalka Tanzania, uu ka furmo 29-ka bishan February, oo ku beegan Isniinta soo socota, ayaa dib loo dhigay, waxaana loo asteeyay 2-da bisha March, si dhammaan shanta madaxweyne ay uga qeyb galaan shirka.
Arrintan ayaa timid, xilli Golaha Dejinta Bariga Afrika (EALA), ay ku kala aragti duwan yihiin, in Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan, ay qeyb ka noqdaan xubnaha ay ku mideysan yihiin gobolka.
Sida laga soo xigtay xog-haynta, madaxa waaxda isgaarsiinta shirkadaha iyo arrimaha dadweynaha ee madaxda Bariga Afrika (EAC), Richard Owora, dhammaan shanta madaxweyne oo uu ku jiro madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, waxay shalay xaqiijiyeen in ay ka qeyb galayaan shir weynaha.
Owora, ayaa dhanka kale sheegay in golaha wasiirrda ee Madaxda Bariga Afrika, ay yeelanayaan shir gaar ah, ka hor shir weynaha.