Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug gaar ahaan Wasaarada arrimaha gudaha ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dooranayay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka deegaanka Wargalo ee gobalka Mudug.
Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa doorashada ka dib ku dhawaaqay natiijada doorashada gudoomiyaha deegaanka Wargalo, Nuur Faarax Cumar oo isagu ahaa qofka kaliya ee isku soo sharaxay qabashada xilka.
Gudoomiyaha cusub ee deegaanka wargalo Nuur Faarax cumar oo isna madasha doorashada khudbad ka jeediyay ayaa balan qaaday inuu si cadaalad ah ugu adeegi doono bulshada reer Wargalo
Hoos ka Daawo Muuqaalka:-
https://www.youtube.com/watch?v=qNm2PmKQsvE