DHAGEYSO WAREYSI:- Diyaaradaha Kenya o duqeyn culus ka geystay masaajid iyo goobo kale o ka tirsan gobolk Gedo

0

Waxaa maanta qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ka dhacay duqeyn culus oo ay sameeyeen diyaaradaha Dowlada Kenya.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay iney waxyeelo ka soo gaarto shacabka ku noolaa deeganada iyo meelaha ay duqeynta lka dhacday.

Maamulka Gobbolka Gedo ayaa sheegay in duqeyn dhacday maanta iyo shalay lala eegtay masaajid ku yaalla deegaanka Tuulo-Barwaaqo oo u dhow degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo iyo meelo kale oo ay deganaayeen dad shacab ah.

Afhayeenka Maamulka Gobbolka Gedo Nuur Siyaax Xareed ayaa waxa uu sheegay in duqeyntaasi ay dhibaato fara badan ka soo gaartay dad shacab ah.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-