DHAGEYSO:- Rasil-wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in shir weyne la qaban doono Bisha April+Maamulka Puntland uu sheegay inaysan ka weyneyn dowlada..

0

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/Rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay natiijada ka soo baxday Shirkii ku soo dhamaaday magaalada Ganacsiga ee Dalka Trkiga ee Istanbuul,waxaana uu sidoo kale ka  hadlay  Puntland oo aan ka qeyb gelin SHirka lagu soo xiray istanbuul.

Ra’isalwasaaraha ayaa sheegay in Shirkii Istanbuul ay ka qeyb galeen 54 Dowladood oo daneeya arrimaha Soomaaliya,waxaana uu sheegay in SHirkaasi uu ahaa kii ugu dambeeyay ee la xiriiray Madasha inta ka dhimay doorshada Bisha August ee soo socota.

Cumar Cabdi Rashiid ayaa sheegay in Toban Cutub oo xaga farsamada ah la diyaariyay isla markaana la qaban doono shir weyn oo la isugu imaan doono bisha April waxaana looga hadli doonaa si loo dhameystiro waxyaabaha muhiimka ee dalka hore loogu dhaqaajiyo

Dhanka kale waxaa uu sheegay in Puntland ay ka mid tahay Soomaaliya, islamarkaana wixii ka soo baxay Shirkii Istanbuul ay qeyb kayihiin,islamarkaana loo tagayo oo lagu qancinayo wixii ka soo baxay Shirkaasi.

Halkaan ka dhageyso