WARBIXIN:- Caruur badan oo aan Afrika ku helin Barnaamijka Talaalka

0

Shan meelood oo meel carruurta Afrikaanka ayaan si wanaagsan u talaalnayn taasoo la micne ah inay khatar ugu jiraan xanuunno loo dhinto, laakin laga hor tagi karo sida jadeecada.

Arrintani ayaa qayb ka ah warbixin dhawaan ay shaacisay hay’adda caafimaadka adduunka oo ku saabsan xaaladda talaalka carruurta ee qaaradda.

Wasiirrada caafimaadka ee Afrika ayaa maanta Addis Ababa ku yeelanaya kulan ay kaga xaajoonayaan qaabka arrintan looga gudbi karo.

Madaxa isbahaysiga caalamiga ee talaalka Dr. Seth Berkley ayaa sheegaya in carruurta oo dhan la talaali karo haddii uu jiro rabitaan siyaasadeed.