Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cismaan Saxardiid Cadari,ayaa sheegay in Xisbiyada mucaaridka ah ee ka jira Maamulkaasi ay wararkooda ka baahnayaan Warbaahinta ay leedahay xukuumadda ee ay mucaaradsan yihiin.
Cadari waxaa uu sheegay in iyaga oo ilaalinaya dibmuqraadiyadda ay ogolaadeen n wararka Xisbiyada Mucaaridka ah ay ka baxaan Warbaahinta Xukuumadda,waxaana uu sheegay in ay sii deyn doonaan.
Waxaa uu sheegay in iyaga aysan dhaheyn Xisbiada warar soo dirsada laakiin haddii ay keensadaan ayuu sheegay in ay u siideyn doonaan.
Waxaa uu intaa ku daray Cadari in Xisbiyada Mucaaridka ah ay wax ku leeyihiin Warbaahinta Xukuumadda islamarkaana ay xaq u leeyihiin in wararkooda la sii daayo.
Ma’uusan sheegin in Wararka Xisbiyada Mcaaridka ay marayaan Faaf reeb iyo in sidooda loogu siideynayo,waxaana uu intaa raaciyay in Xukuumadda Soomaaliland ay dooneyso in xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ay u wada shaqeeyaan Dadka shacabka ah.