Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa Magaalada Istanbul ka furay shalay Shirka Madasha 6-aad ee Heerka sare, kaasi oo diirada lagu saaray Horumarada siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amaanka ee ka socda dalka Somalia.
Shirka oo maanta kaliya socon doono, ayaa waxaa aad looga wada hadli doona iskaashiga caalamiga ah iyo qodobka ugu weyn oo ah doorashada 2016.
Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen Wafuud gaaraysa 200 oo Ergay, oo 50 kamid ah ay yihiin Hogaamiyaal ka socda dalalka Caalamka, Hay’addo Deeqbixiyaal ah iyo kuwa QM.
shirka oo maanta ku eg ayaa la filaya iney kasoo baxaan qodobo muhiim ah oo aayaha somaliya ee sanadkan wax kabadali doona.
kadib marka lasoo gabagabeeyo shirka madaxweynaha dowlada somaliya ayaa kulamo gaargaar ah layeelanaya qaar ka mid ah wufuudi ka qeyb gashay shirka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-