DHAGEYSO:- Wasiirka Dhalinyarada ee Dowlada oo eedeyn kulul u jeediyay beesha caalamka, fashilna ku tilmaamay shirka Turkiga

0

Wasiirka dhalinyarada xukuumada Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux, oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday shir looga hadlayay dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa eedeyn u jeediyay dowladaha balanqaadyada u sameeya dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka wuxuu sheegay ineysan jirin balanqaadyo si rasmi ah u dhaqan gala oo loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed, kaliyana shirarka ay yihiin kuwo magacyada oo kaliya loo kala badalo.

“Shirarka inta ugu badan magacyadooda ayaa isbadala oo kaliya, Go’aanka wax dhiibida iyo meel marintiisa Soomaalida malahan, kaliya Soomaalida waxay leedahay iney fikrada la timaado, mana jiro balanqaadyo la sameeyay oo dhaqangalay”ayuu yiri wasiir Nuux.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay shirka arimaha dhalinyarada looga hadlayay ee ka dhacay dalka Turkiga ayaa tilmaamay inuu ahaa mid si weyn looga hadlay horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay la tageen dalka Turkiga fikrad wanaagsan oo ka qeyb qadaneyso horumarinta dhalinta Soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-