Iyadoo Mudo Ku Dhow 5 Maalmood Ay Hawada Ka Maqan Tahay idaacada Ku Hadasha Afka Maamulka Galmudug ee Gaalkacyo Ku Taala Ayaa Maanta Wariyaasha Radio Galmudug Waxa Ay Kulan La Qaateen Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug.
Ka Maqnaanshaha Hawada ee idaacada Galmudug ee Gaalkacyo Ayaa Lagu Sababeeyay Dhaqaalo Xumo Jirta iyadoo Wariyaashi Ka Hawlgalayay idaacadana Ay Wadi Waayeen Taasi oo Keentay inay Hawada Ka Saaraan idaacada Afka Maamulka Ku Hadasha ee Gaalkacyo Ku Taala.
Dhinaca Kale Kulanka Gaarka Ah ee Wariyasha Radio Galmudug iyo Wasiirka Warfaafinta Ay Wada Qaateen Ayaa Looga Hadlay Sidii Urur Mideesan Loogu Sameen Lahaa Wariyaasha Gobolka Mudug iyadoo inta Badana Kulanka Aysan Goob Joog Ka Ahayn idaacadaha iyo Wariyaasha Kale ee Gaalkacyo Ka Hawlgala.
Hoos Ka Daawo