Gudoomiyaha Rugta ganacsiga ee Puntland oo ka qeyb galay shirkii lagu gaba gabeeyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in shirkaan ay ku casuumeen dowlada Turkiga isla markaana ay ka madax banana yihiin maamulka Puntland oo diiday inay ka qeyb galaan shirkaasi.
Maxamed Caydiid gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland ayaa sheegay in aysan jirin masuul ka tirsan maamulka Puntland oo ka qeyb galay shirkaasi wuxuuna xusay in ay ku wahliyeen ganacsato kale oo ka soo jeeda Puntland wuxuuna qiray inaysan xiriir ka dhaxeyn ganacsiga iyo siyaasada sidaas awgeed ay shirkaan kaga qeyb galeen.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar “Cameey” ayaa maanta ka hadlay mowqifkooda ku aadan shirka ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ee loogu hadlayo Arrimaha Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Maamulka Puntland ay shirka uga qeyb gashay dhinaca dhaqaalaha ee hiigsiga cusub ama “New Deal” balse aysan ugu qeyb galin dhanka arrimaha Siyaasada Soomaaliya iyo doorashada sanadkan 2016.
Halkaan ka daawo