Wararka naga soo gaaraya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in ciidamada booliska dalka Turkiga xabsiga ay dhigeen gudoomiyaha midowga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in hotel uu ku sugnaa ay kala baxeen Maxamed Cabdulaahi Xaashi, gudoomiyaha midowga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.
Qaar kamid ah xubnaha ka qeyb galaya shirka ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada booliska dalka Turkiga ay hotelka kala baxeen Maxamed Cabdulaahi.
Lama oga sababta ka dambeysa in ciidamada booliska xabsiga dhigaan gudoomiyaha, mana jirto cid ka tirsan dowlada oo ka hadashay arimahaan.
Maxamed Cabdulaahi ayaa ka qeyb galayay shirka dhalinyarada Soomaaliyeed looga hadlay ee ka dhacay magaalada Istanbul.
Hoos ka Daawo Sawirada, kana Dhageyso Codka:-