DAAWO:- Madaxweynaha Galmudug oo Istanbul ka jeediyay Qudbad xasaasi+Wadamada ka qeyb galaya shirka uu codsi ku aadan Galmudug hordhigay

0

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin xusen Guuleed ayaa maanta qudbad Dhinacyo badan Taabaneysa Ka Jeediyay Shirka Istanbul oo ay isku yimaadeen Madax badan oo ka Tirsan Beesha Calamka isagoona sheegay in deeganada Galmudug xlligani ay ka jiraan hormaro wanaagsan oo la taaban karo isagoona intaasi ku daray in deegano badan oo ka tirsan galmudug laga xoreyay kooxda alshabab.

Guuleed ayaa ugu baaqay wadamada ka qeyb galay shirka in ay malgashi ay ku sameyaan deeganada Galmudug isagoona xusay in amaanka uu yahay mid la isku haleyn karo .

Ugu dambeyntii guuled ayaa shegay in loo baahan yahay in wax laga qabto diidamada puntland isagoona ka codsay madaxda ugu sareysa DFS in ay la fariitaan madaxda puntland si ay uga qanciyaan wax ay tabanayan

Shirka oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa qiimeyn iyo dib u eegis lagu sameyn doonaa horumarka laga sameeyay Barnaamijka Cahdiga Cusub ee Soomaaliya (the Somali Compact), kaas oo markii ugu horeysey lagu ansixiyey magaalada Brussels bishii September sannadkii 2013. Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa waxaa ka abuurmey iskaashi ku saleysan isla xisaabtan, wadaagidda khatarta iyo mas’uuliyadaha ee dhinacyada Soomaaliya iyo beesha caalamka si loo hago horeyna loogu dhaqaajiyo ajendaha siyaasadda, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaaa sannadkiii hore uu barnaamijkan ku tallaabsadey horumar la taaban karo, dhinacyada siyaasadda, amniga iyo agendaha horumarinta.

Madasha Heerka Sare ee Soomaaliya iyo waddamada ay iskaashiga leeyihiin ayaa la filayaa in lagu taageero go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2016-ka, inuuu ka doodo, khariiddad la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan doorashada 2020-ka, dib u qaabeynta amniga, dardar-gelinta dadaalka dib u eegista iyo dib u qorista dastuurka federaalka, isla markaana wax laga qabto baahiyaha aasaaska u ah dhinaca horumarinta si loo xaqiijiyo mustaqbalka nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya

Halkaan ka daawo sawiradda

1 2 3. 3 4 5