Daawo Muuqaalka:- Sargaal ka tirsan Al-shabaab oo Bakaaraha lagu qabtay+NISA oo faahfaahisay

0

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho ay ku soo qabatay Sargaal ka tirsan Al-shabaab.

NISA ayaa sheegtay in Sargaalkaan horay madaxiisa loo dul dhigay dhaqaale fara badan islamarkaana lagu daba jiray in mudo ah.

Inkastoo Magaca Sargaalkaan aysan sheegin Hay’adda NISA ayaa haddana waxaa ay shaaciyeen in ay soo bandhigi doonaan Dhawaan.

Ciidamada Nabad Sugidda ayaa sheegay in Sargaalkaan laga soo qabtay Hotelka Golden oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha.

Hayeeshee Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Maalmahaan Howlgalo Xariir ah ka waday qaar ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-

https://www.youtube.com/watch?v=YkHv0PYXevw&feature=youtu.be