TOP NEWS:- Mucaaradka Kenya “Ciidankeenna Soomaaliya jooga Hub casri ah ma heystaan”

0

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka  Dalka Kenya Raila Odinga,ayaa sheegay in Dowladda hadda jirta ee kenya ay ka gaabisay in ay hub casri ah siiso Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya,si ay isaga difaacaan weerarrada uga imanaya Al-shabaab.

Raila Odinga, waxaa uu sheegay in marka ay is qabtaan Al-shabaab iyo Ciidanka Kenya ay Al-shabaab hub casrisan yihiin,islamarkaana taasi sababto in Ciidanka Kenya ay ku jabaan aagagga hore ee dagaalka.

Waxaa muhiim ah in Dolwaddu ay hub casri ah siiso Ciidanka si ay isaga difaacaan Cadowga oo marka uu weerarayo ku tashanaya in uusan qofna ka tagin halka ay weerarayaan”ayuu yiri Raila.

Waxaa uu ka hadlayay goob lagu duugayay Justus Odhiambo oo ka mid ahaa Askartii ku dhimatay weerarkii Ceel Cadde,isaga iyo mas’uuliyiin kale oo guddoomiyayaasha gobollada iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Kenya ee ka soo jeeda degaanka Simero, ay wadajir uga qeyb galeen aaska Askarigaasi.

Raila waxaa uu sheegay in marka Xisbigiisa uu talada dalkaasi qabto ay Miisaaniyadda Gaashaandhigga kordhin doonto si loo casriyeeyo hubka ay wataan Ciidanka Kenya ee gudaha dalkooda iyo kuwa ka howlgalaya dalka DIbaddiisa sida Soomaaliya.

Raila Odinga,waxaa uu ka codsaday Dowladda hadda talada heysa in ay soo saarto Istiraatiijiyad acd oo ay kaga soo baxayaan Soomaaliya Ciidanka Kenya kadib markii ay isaga baxeen Magaaladii ugu muhiimsaneyd ee Kismaayo,islamarkaana soo dhamaatay howshii ay ka hayeen magaaladaasi.