Maamulka Jubaland ayaa xabsiga dhigey laba oday dhaqameed, kuwaas oo kala ah Suldaan Maxmuud Geele iyo Caaqil Cabdulahi Saciid Bile,waxaana Jubaland ay odayaasha dhaqanka ku eedeeysay in ay yihiin Al-Shabaab.
Beelaha ay ka soo jeedan oday dhaqameedyada la xirey ayaa ku eeedeeyey maamulku inuu wado cabburin iyo kelitelisnimo, lala beegsadey beelaha qaar.
Xariga odoyaasha ayaa imaanaya kadib markii ay qoraal ka soo saareen Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Maxamed Darwiish oo ay sheegeen in uu kalsoonidii beesha si khaldan u isticmaalayo, xarig iyo handaadaadna ku hayo isla beesha kalsoonida siisey.
Dhanka kale Wararka ayaa sheegaya in Odayaashii lagu Xiray Magaalada Kismaayo laga soo masaafuriyya Magaalada oo Muqdisho la keenay,waxaana Beesha Odayaashaasi ay ka soo jeedaan ay sheegeen in Amarkaasi uu bixiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Maamulka Jubbaland wali kama hadlin Xariga iyo Masaafurinta Odayaasha laga soo ma saafuriyay Magaalada Kismaayo Ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Halkaan ka dhageyso