DHACDO XANUUN BADAN:- 119-Dhalinyaro Soomaali ah oo maxkamad maanta la soo taagayo

0

Dalka Hindiya waxaa saaka lagu wadaa in Maxkamd la soo taago 119 Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku eedeysan in ay yihiin Burcad Badeed,waxaana qaarkood ay ku xanuunsanayaan Xabsiga iyada oo mid ka mid ah uu ku dhintay Xabsiga Gudahiisa.

Dhallinyarada qaar ka mid ah ayaa sheegay in ay qirteen dambi aysan gelin kadib markii lagu jirdilay Xabsiga,qasabna looga keenay eedda loo heysto.

Inta badan Dhallinyaradan ayaa la xiray 2011kii,waxaana markaas oo falalka Burcad badeedda ay ku badnaayeen Biyaha Soomaaliya iyo Badweynta Hindiya,waxaana ay Saaka wajahayaan Maxkamd.

Qof ka mid ah Dhallinayaradan ayaa horay ugu dhintay Xabsiga kadib markii uu ku dhacay Cudurka Qaaxada,waxaana sidoo kale jira Wiil kale oo isna la xanuunsanaya Cudurka qaaxada qeybta Sambabada ku dhacda.

Dowladda Hindiya ayaa qaar ka mid ah Ehellada Dhallinyaradaasi geysay dalkeeda kadib markii Dhallinayarada qaar ay Xabsiga ku xanuunsadeen,waxaana mid ka mid ah Dhaqtarkiisu sheegay in uu matagayo Beerka iyoSambabadiisa kadib markii ay ku dhacday Qaaxada.