Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka waxa ay yesheen kulan aad u balaaran oo lagu diidanyahay sii jiritaanka Nidaamka 4.5 ee dalka Soomaaliya.
Waxaa kulankan soo abaabulay Daladda Somali American Leadership Council ee fadhigeedu yahay Ohio.
Inta badan dadkii ka hadlay ayaa ku xeel dheeraaday in shacabka Soomaaliyeed in kabadan 14 sano ay ku soo jireen nidaamka 4.5 oo aha mid kala sareeysiinaya awooda iyo jiritaanka bulshada Soomaaliyeed oo ah bulsho ay dagaalo ragaadiyeen.
Masuuliyiintii ka hadashay Kulankan ayaa si cod dheer u canbaareeyay madaxda beesha caalamka ee arimaha Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in ay diidanyihiin in Soomaaliya Cifato ama istaagto, maadaama ay ogolaadeen in uu sii jiro nidaam aan sharci iyo xisdi midna waafaqsanayn.
Waxay ugu baaqeen madaxda Soomaaliyeed in ay u turaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana bad baadiyaan dalka iyo dadka iyaga oo u horseedaya nidaam cadaalad ku salaysan kana saaraya cadaalad daro.
Dhaliil ayay dusha uga tuureen u qeybsanaha Qaramada midoobay ee arimaha Soomaaliya Michael Keating oo ay ku tilmaameen nin aan aqoon badan u lahayn arimaha Somalia isla markaana ku deg degay go’aan ka gaarista xalka doorashooyinka Soomaaliya ee 2016 iyo sida loo wajahayo.
Waxaa lagu soo bandhigay goobta Halku dhigyo ka dhan ah nidaamka 4.5 iyo raga Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia.
Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay madaxda Soomaalidu ku kala aragti duwanyihiin qaabka loo soo dhisi doono dowlada cusub ee ay Soomaaliya yeelan doonto taas oo is jiid jiid balaaran ka muuqanayo.
Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com