TOP NEWS:- Ahlusunna oo diiday inuu Guriceel iyo Dhuusamareeb tago Siyaasi Axmed Cabdi Salaan

0

Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ay diideen Wafdi uu Hogaaminayo Siyaasi Axmed Cabdi Salaan Xaaji aadan Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Axmed Cabdi Salaan oo ay weheliyaan Odayaal  kuna sugan Magaalada Muqdisho ayaa u duuli rabay Gobolada Dhexe si uu u tago Dhuusamareeb iyo Guricee midkood,balse Ahlusunna ay diiday Socdaalka Axmed Cabdi Salaan.

Wararka ayaa sheegaya in Garoomada ku yaalla Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ay Ahlusunna geyeen Ciidamo aad u badan si loo diido Wafdiga Axmed Cabdi Salaan uu Hogaaminayo.

Illo ku dhaw dhaw Wafdiga Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan ayaa noo sheegay in Ujeedka socdaalkoodu uu san aheyn mid Siyaasadeed,balse ay u socdaan Degaanada ay u dhasheen.

Ahlusunna dhankeeda wali kama hadlin diidmada ah in Siyaasi Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan iyo Xubnaha la socda aysan tagi karin Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.