Ka dib guushii Madaxweyne Museveni howlgalka Ugandha ay ka wado Soomaaliya Maxaa iska bedelaya ? Afhayeen u hadlay Ugandha ayaa sharaxaya

0

Afhayeenka Dowladda Uganda ayaa sheegay in guusha Madaxweyne Museveni ay ka dhigantahay sii socoshada taageerida  Dowladda Uganda ay u heyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa Ciidamada uga badan ee Nabad Ilaalada Midowga Afrika ee AMISOM waxey ka joogaan Dalka Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan soo celinta Nabadii iyo Xasiloonidii Dalka ka jirtay.

Ugu damneyn, Dowladda Uganda ayaa balan qaaday in ay sii wadeyso taageerida Dowladda Soomaaliya waxaana ay sheegeen in Ciidamadooda ay baaqi ku sii ahaan doonaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kaasi oo ka socda Dalka Soomaaliya.