Dowlada Mareykanka ayaa soo saartay digniin dhanka amaanka ah oo ku saabsan dalka Jabuuti, iyadoo looga digay muwaadiniinta Mareykanka iney u safraan dalka Jabuuti sabab la xiriirta amaanka dalkaasi.
War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay digniin amaan oo ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dalkaasi Jabuuti iyo muwaadiniinta dooneysa iney u safraan dalkaasi Jabuuti.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in lagu wargeliyay muwaadiniinta Mareykanka iney feejignaan dheeri ah ka galaan amaanka dalkaasi, iyadoo laga baqayo in diyaaradaha tagaya dalkaasi ay horseedaan amni daro ka dhacdo dalkaasi.
Dhinaca kale dowlada Jabuuti ayaa hakad gelisay duulimaayadii ka tagi jiray magaalada Muqdisho ee tagayay dalka jabuut cabsi dhanka amaanka ah oo laga qaaday darteed, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay safaarada Jabuuti ee dalka Kenya.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in muwaadiniina Mareykanka lagu wargelinayo iney xiriir la sameeyaan safaarada haddii ay arkaan qatao dhanka amaanka ah.