DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay heerka Masuq maasuqa ee Soomaaliya iyo Warbixinta transparency international

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay  ka hadlay Warbixintii ay dhawaan soo saartay Hay’adda lagu Magacaabo transparency international ee aheyd in Soomaaliya ay Kaalinta Koowaad ka gashay Wadamada ugu Musuq Maasuqa badan ee Adduunka ka jira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Warbixinta transparency international ay tahay mid Xaqiiqada ka Fog islamarkaana aysan Soomaaliya sidaa u liidan oo ay ka jirto isla Xisaabtan iyo kala dambeyn.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay dhici karto Waxyaabo qaldan oo ka dhaca Dowladda Soomaaliya,balse wax laga barto oo lagu dadaalo sidii mar dambe aysan u soo laaban.

Hoos ka Dhageyso Codka:-