Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay kulan ay su’aalo ku weydiinayeen dadweynaha o oak dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Qaadka ama Jaadka uu dhibaato weyn ku hayo Dalka Dowladdiisuna ay ka war qabto.
Waxaa uu sheegay in lacag aad u farabadan ay ku baxdo qaadka sidoo kalena uu amni darrada dalka ka jirtana uu qeybta ugu weyn ku leeyahay,waxaana uu intaa ku daray in hadda meelo badan oo Caalamka ka mid ah looga aqoonsaday in uu yahay daroogo.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomalaiya waxaa uu sidoo kale sheegay in Qaadka uu markii hore ku billoowday in uu dalka ku soo galo si bilaash ah ama Canshuur la’aan ah,waxaana uu intaa ku daray in looga baahan yahay Ganacsatada qaadka in ay isu tagaan Canshuurta Dowladdana iska bixiyaan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-