Iyadoo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha hoose ay kajirto colaad ka dambeysay dagaal dhexmaray beelo wada dega gobolka Shabellah hoose sidoo kalena ay kusoo noq noqdeen dagaalo u dhaxeeya Alshabab iyo ciidanka dowlada ayaa waxaa arimahaasi ay si weyn u saameeyen nolosha dadka gaar ahaana waxbarashada magaalada.
Cabsida kajirta magaalada ayaa dadka ku kalifay in caruurtooda aaney u dirin goobaha waxbarashada oo qaarkood aan la furin sababo la xiriira xaalada amaan ee magaalada.
Mid kamid ah dadka kunool magaalada Marka ayaa u sheegtay in waajib ay tahay dowlada Soomaaliya in ay ka fakarto qorshe lagu hagaajinayo nolosha magaalada si ay dib ugu soo noqoto sanado kahor sidii ay aheyd.
Marka laga tago xaalada waxbarsho xumo ee kajirta magaalada waxaa sidoo kale dadka qaar culeys ku noqday in ay u shaqo tagaan goobahooda ganacsi maadaama gacan ku heynta magaalada marba dhinac ay maamulayaan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-