DHAGEYSO:- Dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo Dad Xoolo dhaqato ah iyo khasaaro ka dhashay

0

Dagaal u dhaxeeyay Xarakada Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano u dhaxeeya Camaara iyo Ceelhuur oo dhanka xeebta kaga beegan gobolka Mudug.

Maxamed Xasan Cali oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala kana mid ahaa dadka xoola dhaqatada ah ayaa waxaa uu sheegay in ururka Al-shabaab ay dagaalka kaga dileen ilaa iyo 7 qof halka dhankoodana uu ku sheegay in ay ka dhaawacmeen tiro 4 qof ah.

Maxamed Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka uu ku yimid in Al-shabaab ay horay uga qaateen tiro badan oo Ari ah.

Iyadoo maantana uu sheegay in 50 neef oo Geel ah ay Al-shabaab ka qaateen dadka xoolo dhaqatada ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-