Howlgal ballaaran oo ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ay ka sameeyeen Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir, ayaa waxa ay ku qabteen dad gaaraya ku dhawaad 500 oo ruux, kuwaasi oo ka mid ah dadka Degan Degmada Dharkiinleey.
Waxa uu biloowday howlgalka xalay maqribkii, iyadoo ciidamada Dowladda dadka shacabka ah ay ka dejinayeen gaadiidka Bie-lka ee gelaayay Degmada Dharkiinleey, waxaana ciidamada ay fasaxayeen Haweenka halka Ragga meel la isugu geeyay.
Howlgalka ayaa soo dhamaaday xalay saacada markii ay aheyd 9:00 Fiidnimo, xilligaasi oo ciidamada ay fasaxeen dhamaan dadkii lagu qabtay howlgalka oo ahaa rag Dhalinyaro iyo da’ dhexaad ahaa.
Hal ruux oo kaliya ayaa la sheegay in ciidamada ay kala baxeen dadkii howlgalkaasi lagu qabtay, kaasi oo ahaa ruux dhalinyaro ah, inkastoo ay suuragal tahay Bartilmaameedka howlgalka inuu isaga ahaa oo ciidamada ay bar garanayeen.
Maamulka Degmada Dharkiinleey ayaa dadka inta aanan la fasaxin kula hadlay halkii lagu haayay, waxaana ay u sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay xaqiijinta ammaanka Degmada Dharkiinleey, dadkana ay dani ugu jirto in amnigooda la xaqiijiyo oo aysan waxba u arkin saacadaha ay guryahooda ka habsaameen.
Qof ka mid ahaa dadkii howlgalka lagu qabtay ayaa Dhacdo.com u sheegay ruuxii dhalinyarada ahaa ee dadka tirada lagala dhex baxay in lagu qaaday gaadiidka dagaalka ee ciidamada ay wateen, loona dhaqaajiyay Xarumaha ciidanka Dowladda ee Muqdisho.
Ciidamada Dowladda oo Boolis iyo Nabad Suggid isugu jira ayaa kordhiyay howlgalada noocaan oo kale ah ee laga sameynaayo Degmooyinka Muqdisho, xilli maalmihii la soo dhaafay howlgalada ay si xoogan kaga socdeen Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.