Kooxda dabagalka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimah Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay in Dalka Eritrea uusan ku lug lahayn arrimaha ka jira Soomaaliya.
Kadib kulan ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey isagu yimaadeen loogana hadlayay Warbixin ay so diyaarisay Kooxda dabagalka u qabailsan Qaramada Midoobey, cunaqabateynta saran Waddamada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa ay sheegeen in aysan helin caddeyn muujineysa in Eritrea ay ku lug leedahay Siyaasadda Soomaaliya.
Rafael Darío Ramirez Carreño, oo ah Guddoomiyaha Guddiga dabagalka ee Arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay in intii howshan ay wadeen aysan helin Caddeyn muujineya in Dowladda Eritrea ay taageerto Al-shabaab ama garab kale oo ka so horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Eritrea ay muujisay wadashaqeyn yar oo ay la yeelatay Hay’adda dabagalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ,waxaana ay sheegeen in wali aan lagu guuleysan xalinta Muranka Sohdinta ah ee u dhaxeeya Waddamada Eritrea iyo Jabuuti.
Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa magacaabay 8 Qubaro, si loo kordhiyo howsha Kooxda dabagalka ee Geedka Afrika.
Intii ay socotay doodad ayaa Guddiga dabagalka so jeediyeen in Xubnaha Guddiga loo ogolaado in ay tagaan Gudaha Eritrea oo 3 Sano ka hor ay ugu dambeeysay kadib markii Dolwaddaasi ay diidday in xubnahaasi ay tagaan dalkeeda.
Ramirez,waxaa uu sheegay in isaga qudhiisa uu Warqad casuumaad ah ka helay Madaxweynaha Dalka Eritrea,taas oo uu sheegay uu ugu talagalay xilka uu ka hayo Kooxda dabagalka ee Eritrea,waxaana booqashadaasi dhici doontaa Bisha soo socota.
Isha Warkan:CAPERI.