DHAGEYSO WAREYSI:- Gudoomiyaha Degmada Ceel buur oo sheegay in degmadaasi aysan Al-Shabaab keliya go’doomin, sheegayna iney jiraan siyaasado kale

0

Guddoomiyah Degmada Ceel Buur ee Maamulka Gobolka Galguduud Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay in Dadka iyo Duunyada ku nool degmadaasi ay ku jiraan xaalad bani’adamnimo oo aad u adag,

Waxa uu ka codsaday Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kale ee ka so jeeda degmadaasi in ay xaaladdaasi farageliyaan waxna ka beddelaan dhibaatada ka taagan halkaasi.

Waxa uu sheegay in Degmada ay go’doomisay Al-shabaab, waxaase uu sheegay in go’doominta Al-shabaab kaliya aysan ahayn dhibta ay wajahayaan dadka ku nool degmadaasi,waxaana uu intaa ku daray in ay jirto go’doomin SIyaasadeed  saran degmada,taas oo uusan sheegin cidda ku heysa.

Guddoomiyaha Ceel Buur ayaa weydiistay Xildhibaannada iyo masuuliyiinta ku jira Dowladda ee ka soo jeeda degmadaasi in ay wax ka qabtaan dhibaatada ka jirta Demada Ceel Buur ee Gobolka Galguduud.

Waxaa uu sheegay in isaga uusan la xiriirin Xildhibaannada,waxaana u sheegay in uusan u tilmaameyn shaqadooda iyo waajibka ka saaran dadka ay ku matalaan Dowladda ay xubnaha ka yihiin.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-