Ciidamada dowlada Uganda ka socda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya ayaa sheegay iney dileen saraakiil ka tirsan Alshabaab, ayna ka hortageen weeraro Alshabaab la damacsanaayeen saldhigyadooda.
Saraakiisha u hadashay dowlada Uganda ayaa ka warbixiyay dhacdooyinkii Alshabaab ay kala kulmeen labadii bil ee lasoo dhaafay.
Sarkaal ka tirsan waaxda xiriirka dadweynaha ciidamada ka socdo Uganda oo lagu magacaabo Captan Flavia Terimulungi, ayaa sheegtay in Alshabaab ay isku dayeen xili habeen ah iney soo weeraraan saldhigyada ciidamada Uganda oo Shabeelaha Hoose ku yaala.
Al-shabaab todobaadkii lasoo dhaafay isku dayay iney weerar ku qaadaan saldhiga ciidamada ku leeyihiin degmada Qoryooleey, balse ciidamada ay iska difaaceen.
Sidoo kale waxay sheegtay in weerar kale Al-shabaab ay damacsanaayeen ka hortageen ciidamada dowlada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo.
Qasaaro ayay sheegtay iney gaarsiiyeen Al-shabaab-kii weeraray saldhigyada ciidamada AMISOM, iyada oo intaasi ku dartay in saraakiil Al-shabaab ah lagu dilay weerarka, sida uu hadalka u dhigay.
Weerarka koowaad oo Alshabaab ku qaadeen deegaan hoostaga degmada Qoryooleey ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay Maxamed Farwar oo Al-shabaab ka tirsanaa.
Weerar kale ayay sheegtay iney ku dileen nin magaciisa uu lagu koobay Abuu C/raxmaan Pakeli oo ay sheegeen inuu ahaa sarkaal Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka degmada Marka iyo deegaanada hoostaga.
Hoos ka Dhageyso Codka:-