DHAGEYSO:- Qaxooti kasoo laabtay Xeryaha Dhadhaab oo Beydhabo ku laabtay

0

Waxaa jiro qoysas si iskood ah kaga soo laabtay xeryaha qaxootiga Kenya ee Dhadhaab kuwaasi oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo magaalada lagu soo dhaweeyay.

Qoysaska kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab ayaa la sheegay iney gaarayaan ku dhawaad 40 qoys oo muddo ka badan 10 sano deganaa xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Maamulka magaalada Baydhabo ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in qoysaskaasi soo dhaweyn wanaagsan loogu sameeyay magaalada Baydhabo.

Qoysaska ku laabtay magaalada Baydhabo ayaa dhankooda sheegay iney ka koobnaayeen 37 qoys ayna ku faraxsan yihiin iney dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-