DHAGEYSO:- Kulankii baarlamaanka oo buuq ku soo dhamaaday iyo Wasiirka amniga oo aan soo xaadirin

0

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta oo lagu balansanaa in ay Baarlamaanka hor yimaadaan Wasiirka Amniga iyo taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay kulankaasi ka dib markii aysan maanta hor imaan Baarlamaanka.

Furitaanka kulan ayaa Mahad Cabdalla Cawad oo ah Shir gudoonka kulanka waxa uu Xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan Ajendayaal dhowr ah balse Xildhibaanada ayaa ka soo horjeestay ansixinta Ajendayaashaasi maadaama ka hadalka qodobadaasi aan maanta lagu balansaneyn.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sheegay in aysan kulmeynin ilaa wasiirka Amniga iyo Taliyaha nabad sugida ay hor imaanayaan.

Waxay sidoo kale sheegeen in aysan u dulqaadan doonin in lagu tunto Xasaanada Xildhibaanka isla markaana aysan shaqeyneyn inta laga cadeynayo Xasaanada Xildhibaanka.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa soo jeedinta iyo aragtida Xildhibaanada ka dib waxa uu sheegay in inta ay hadlaayeen ay soo gaartay warqad cudur daar ah oo kaga timid Xafiiska Wasiirka amniga, waxa uuna tilmaamay in gudoonka baarlamaanka u ka soo tashanayo codsiga uu soo gudbiyay iyo cabashada Xildhibaanada.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirada amniga iyo Gaashaandhiga ay hor yimaadeen Baarlamaanka, waxana wax laga weydiiyay amniga guud ee Dalka iyo Xasaanada Xildhibaanada.