Dawlada Hindiya ayaa bandow ku soo rogtay magaalo ku taala gobolka Haryana la yiraahdo oo ku yaala waqooyiga dalka Hindiya halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen rabashado dhiig uu ku daaday.
Maamulka gobolka ayaa amray ciidamada inay toogtaan gof kasta oo ka hor yimaada amarkooda.
Xaaladda magaaladda Rohtak ayaa kacsan waxaana ciidamadu ay toogasho ku dileen 3 qof waxaana xarumaha caafimaadka la geeyay 80 ruux oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Dadka magaalada ayaa ka cabanaya arrimo la xariira xeerka qoyska iyo xaquuqda raga iyo dumarku leeyihiin.