Illo lagu kalsoon yahay ayaa Goordhaw inoo Xaqiijiyay in R/wasaaraha dalka Cumar C/rashiid uu caawa kulan degdeg ah la qaadan doono gollaha wasiirada waxaana xilka laga qaadi doonaa madax badan.
Shirka ayaa waxaa la sheegay in diirada lagu saari doono arrimo kala duwan, waxaana jira warar sheegaya in kulanka lagu magacaabi doono Danjirayaal cusub.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale xilka looga qaadi doonaa dhowr Safiiro oo hadda ku magacaaban xilal Safiirnimo, inkastoo aan la ogaankarin sida ay wax noqon doonaan.
Isku soo wada duuboo Waxaan la ogeen tirada Danjirayaal ee la magacaabi doono, inkastoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in ilaa 12 Danjirayaal kulankaasi lagu magacaabi doono, tirro intaa la egna xilka looga qaadi doono.