TOP NEWS:- Dalalka bariga Afrika oo sameysanaya hal baasaboor iyo Soomaaliya oo codsatay ka mid noqoshada waddamada

0

Waddamada ku bahoobay urur-gobolleedka bariga Afrika (EAC) ayaa shaaca ka qaaday qorshe cusub oo ay ku doonayaan inay adegsadaan muwaadiniintooda hal baasaboor marka la gaaro bisha March ee sanadkan,sida waxaa sheegay sarkaal ururka ka tirsan.

Baasaboorkan cusub oo loo sameeyay qab casri ah,waxuu sahlaya inay si isku mid ah muwaadiniinta u tagi karaan dhamman dalalka ururka xubnaha ka ah,waxaana uu wata aalada yar oo ku rakiban,taasoo si dhib yari ah looga daalacan karo warbixinta qofka wata,iyadoo la adeegsanayo competarka.

Shirka caadiga ah ee ay yeelan doonaan madaxda ururka bariga Africa oo furmaya 29 bishaan Febraayo oo ka dhici doona magaaladda Arusha ee dalka Tanzania ayaa looga dhawaaqi doonaa billaabida baasaboorka cusub ee (E-Passport).

“Shirka  madaxda bariga Afrika,waxaa looga dhawaaqaya isticmaalka baasaboorka cusub ee E-Passport,qorshaha oo dhowr mar dib u dhacay,“ayuu yiri,Richard Otieno oo ka mid ah saraakisha ururka gobolleedka bariga Afrika qaybta isgaarsiinta.

Otieno waxaa kalo uu sheegay in ajandaha shir madaxeedka waddamada bariga Afrika ay ku jirto in laga arrinsado codsi ay jamhuuriyadda Soomaaliya u soo gudbisatay,kaasoo ay ku doonayso iney ku biirto ururka bariga Africa.

Waxa ugu weyn ee baasaboorkan laga doonayo waxuu ku sheegay sarkaalkan ururka u hadlay,sidiii loo fududeyn lahaa ganacsiga dhex maraya bulshada gobolka iyo safarada ay ku doonayaan dalalka inay ku tagaan sidii loogu sahli lahaa.

Shirka hoggaamiyayaasha inta uusan furmin ka hor,waxaa qabsoomaya shir ay wasiiradda arrimaha dibadda bariga Africa u qaabilsan dalalkooda ay yeelan doonaan,kaasoo socon doona shan berri ah.

Ururka goboleedka bariga Africa (EAC) waxaa la aas-aasay sanadkii 1967,lakiin wuxuu dumay sanadkii 1977,waxaana dib ay isugu soo noqdeen hoggaamiyayaasha waddamaa ka tirsan ururka sanadkii 2000.

Waddamada xubnaha ka ah,ururka waxaa ay kala-yihiin Kenya,Uganda,Tanzania,Brundi iyo Rwanda,waxayna xaruntiisu tahay magaaladda Arusha ee dalka Tanzania.