Waa halkudheg lugu muujinayo ninku inuu reerka ka dhashay laakiin aanu matali karin ama aanu codkooda ku hadli karin. Ninka reerka codkooda ku hadli kara oo aan laga dabahadlayn waa ninka u dhashay, una dhaha.
Oraahdaan waxay xambaarsantahay macne weyn oo soomaali u baahantahay inay aad u fahamto, waana in aan qabiilka loo qabsan karin hadalka uu jeediyo nin ka dhashay oo aan ahayn nin reerka matala ama codkooda ku hadla.
Taas waxaa lagaga badbaadayaa cuqdada iy colaada ay dhaliso hadalada fadhi ku dirirka ay kaga hadlaan dad maangaab u badan oo aan qabaa’ilka matalin laakiin u dhashay.
Hebel tolka waa u dhashay ee uma dhoho. W/Q Sh. Axmed Cabdisamad
Taa waxaa la mid ah hadalada loo tiiriyo ururada ama maamulada ama dawladaha ee aan ka soo fulin hay’adaha awoodda u leh inay ku hadlaan codka cidda ay matalayaan. Tusaale ahaan nin wadaad ah oo ka tirsan jamaaco hebla oo aan ka mid ahayn golayaasha rasmiga ah ee talada gooya ayaa jeedinaya hadal aan loo xilsaarin, ka dibna waxaa la oranayaa jamaaca hebla sidaas ayay tiri ama aaminsantahay.
Gabagabadii aynu ka digtoonaano saamaynta xun ee ay yeeshaan hadalada dadka afkoodu furanyahay ee isu muujiya inay matalaan reer hebel ama maamul hebel ama jamaaca hebla; si aan dadkeenu isugu qaadin cuqdad iyo colaad aan sal iyo raad toona lahayn.