Gabar Somaliyeed oo si cajiib ah looga cafiyay xukun ay ku riday Maxkamad Ku Taala Dalka Austria

0

Inkastoo Maxkamad ku taala Caasimadda Ausria ay Khamiistii shalay hal sano ku xukuntay gabar Somaliyeed oo 17 jir ah, ayaa waxaa isla Khamiistii laga cafiyay xukunkaasi, iyadoona loo ogolaaday inay dib ugu laabato dalka Sweden, oo dhalashadiisa ay haysato.

Gabadhan, ayaa waxay ku dhalatay Magaalada Falun ee dalka Sweden, sanadka marka uu ahaa 1998-kii, laakiin waxay ku soo barbaartay Magaalada Linköping.

Booliska Austria, ayaa waxay  gabadhu ka qabteen boosteejo tareenada laga raaco 5-tii bishii December ee sanadkii hore, xilli ay bilaa basaboor safreysay, iyadoo wadatay lacag dhan £55, teleefanka gacanta iyo Charger-ka lagu dabeeyo. Xeer Ilaalinta Austria, ayaa gabadha ku eedeysay inay teleefankeeda kala hadleysay dad ku xiran Ururka Daacish, sidoo kalana ay ka helayn muuqaal dad qoorta looga goynaayo dalka Suuriya. Wolfgang Blaschitz oo ah Qareenkii difaacaayay gabadhaasi oo aan magaceeda la shaacin, ayaa beeniyay eedeymahaasi, wuxuuna sheegay inaanay marnaba la kulmin dad ka mid ah bulshada, oo markaasi cilaaqaad ama xiriir la leh Ururka Daacish, isagoo intaa ku daray in fekradaha murunka ku dhisan aanu sharciga diidanayn.

Wuxuu Maxkamadda ka hor qiray in gabadhu ay si khaldan ugu socdaashay dalkaasi Austria, balse aanay ahayn xubin ka tirsan dagaal-yahanada Daacish.

Dhanka kale Wolfgang Blaschitz, ayaa sheegay in gabadha Somaliyeed ee haysata dhalashada Sweden, ay ku faraxday markii Garsoorkii Maxkamaddu xaqiijiyay in xukunkeedii laga laabtay.

“Way ku faraxday in qarowgeedii uu dhamaaday, waxay ii sheegtay inaanay nolosheeda ku soo laaban doonin Austria.” Ayuu yiri Wolfgang Blaschitz.

Wolfgang Blaschitz oo la hadlay Swedish Radio News, ayaa dadaalka uu u jooggo Austria ku sheegay mid ka mid ah ganacsiga dadka, ee ay u qorteen waxa uu ugu yeeray hawsha dagaalka.Qaad-610x330

“Tani waa mid ka mid ah nidaamka ganacsiga dadka ee u qorteen hawsha dagaalka.” Ayuu yiri Abukaataha difaacay gabadha Somaliyeed ee xukunka ka badbaaday inay ku dhameysato Austria. Mar uu ka hadlaayay kiiskan, ayuu ku sheegay midkii ugu horeeyau oo uu ku dhaco canug Swedish ah, iyadoo wax cajiib ah uu ku tilmaamay in uu Austria u yimid bal inuu dhageysto waxa ay ku andacoonayaan kuwa dembiga u haysta gabadha.

“Tani waa kiiskii ugu horeeyay oo canug ama dhalin Swedish ah uu ku lug lahaado, waxaana rumeysanahay inay tahay wax cajiib oo muhiim ah inaan halkaan jooggo, isla-markaana aan dhageysto waxa ay dhaliishanayaan dadka xigga dhinaca Austria, marka ay hayaan eedeysanaha.” Ayuu yiri sharci yaqaan Blaschitz.

Mr. Blaschitz, ayaa intaa raaciyay “Xaalkeenu wuu wanaagsan yahay, maxaa yeelay hadda waxay ku soo laabaneysaa guriga, marka waan sii wadi karnaa inaan iyadu dhageysano.”