Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya, ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalaiya uu barri markale hor imaan doono Xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud ayaa xusay in Mudaneyaasha Baarlamanka ay wali u harsan yihiin su’aalo badan oo la xiriira amaanka guud ee dalka iyo Xasaanada ay lee yihiin Xildhibanaada Baarlamaanka Soomaaliyed.
Mudane C/samada ayaa sidoo kale xusay in Taliyeyaasha Ciidamada DFS ay qeyb ka yihiin su’aalo weydiinta dhinaca amaanka ee maalinta bari ah lala yeelan doono Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa dhanka kale waxuu tilmaamay in Hay’adaha amaanka ay u madax banaan yihiin sugida amaanka dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxuuna carabka ku dhuftay in aysan xaq u la heyn ku in ay ku xad gudbaan xasaanada Xildhibaanada.
Wasiirka Amniga ee Xukumadda Soomaaliya ayaa maalma ka hor hortagay Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo wax laga waydiiyay su’aalo la xiriira xadgudub lagula kacay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Halkaan ka dhageyso