DHAGEYSO:- Ciidamo ku sugnaa Magaalada Beydhabo oo banaanbax sameeyay ka dib markii hal arrin ay dul qaadan waayeen

0

Korneel Mahad Cabdi Raxmaan Taliyaha Ciidamada Dowlada ee Gobalka Baay ayaa ka Hadlay Markii u horeysay askar la sheegay iney ugadoodeen Mushaar la’aan heysata Darteed.

Taliyaha oo Warbaahinta Kula hadlay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobalka Baay ayaa Beeniyay cabasha askartan,wuxuu sheegay iney si joogta ah ubixiyaan mushaaraadka Ciidanka.

Ciidamadan Gadooday ayaa la sheegay in badi kamid ah dacwo ahaan uyimaadeen Magaalada Muqdisho,waloow aan la sheegin wali hadii ay la kulmeen Saraakiisha Ciidanka Dowlada.

Koneyl Mahad ayaa siiyay Ciidankan digniin ah in mudo kooban ay dib ugu so laabtaan xeryohooda ay ka so gadoodeen ee Gobalka Baay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-