Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Sh.Hoose, Ibraahin Aadan Cali (Najax) ayaa shaaca waxuu ka qaaday in Maamulkiisa ay wado qorshe Xarakada Al Shabaab looga saarayo Degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Sh.Hoose.
Guddoomiye , Ibraahin Aadan Cali (Najax) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Boqalaal ka mid ah Al Shabaab ay soo galeen Gobolka Sh.Hoose kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay ka yimaadeen Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe.
Dhinaca kale, Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Guddoomiye Najax waxuu carabka ku adkeeyay in ay ku guuleysteen in dib u soo celinta Guddoomiyeyaal Degmooyinkooda dibad joog ka ahaa.
Sikastaba, Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa ku xoogan Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose ee Koonfurta Soomaaliya wallow Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay wadaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.
Halkaan ka dhageyso