Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa bilowday Burburinta Boorarka Xarumaha Ganacsi ee ay ku xardhanyihiin Ereyada Afka Qalaad.
Ciidamada loo xilsaaray gudashada shaqooyinkaan ayaan si aan kala sooc lahayn u bur burinayay Boorarka Qoraalada Afka Qalaad iyo Magacyada oo marka laga eego Hanaanka Caalamiga ah aan isbedelin.
Dad badan ayaa isweydiinaya tallaabadaan ka dhanka ah Boorarka Afafka qalaad ma habooneed in Kor laga soo saxo kadibna hoos loo soo daadago?
Taas waxaan ugala jeedaa Maxaa marka hore aan wax looga soo qaban inta badn Xafiisyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku shaqeyso oo ay ku xardhan yihiin Afka qalaad.
Aan ka soo bilowno Aqalka dalka Looga Arrimiyo waxa uu ku caan baxay Magaca Villa Soomaaliya taas oo hal ku dhig u noqotay oo cid kasta oo casuumaad iyo shir looga yeero iyadoo magaca aan kor ku soo xusnay Masuul iyo shacab ay wada garanayaan.
Muqdisho waxaa kaloo ku yaalla Xafiisyada iyo Xarumaha Wasaaradaha Dowladda dhexe inta badan boorarka Astaanta u ah ee lagu garto waxaa ku daabacan Ereyo Afqalaad ah sida Ministry Of Forgein , Of Defens ,of Interior IWM.
Dowladda Hoose oo ah Hindisaaga Go’aanka Lagu dabar Jarayo boorarka Afka qalaad soo saartay Xarunteeda waxaa horay loogu yaqiinay illaa iminkana aanan maqal meel Magac kale loogu wanqalay , Fisha Governo oo ah Jumlad Talyaani ah.
Hay’ado kale oo kuwa dowladda Federaalka ka tirsan ayaa leh Magacyo Afqalaad oo loo soo gaabiyo kuwaas oo marka la higaadiyay kadib loo soo gaabiyay Xarfo kooban oo Afqalaad ah
Marka uu howlgalkaan billaabanayay ee Bur burinta tabeelayaasha Afka qalaad waxaa Sarkaalkii ka warbixinayay hadalladaasi ka mid ahaa waxaan ka soo bilownay Air-Portka Muqdisho oo sida la wada ogsoonyahay Boorkiisa sida Sarkaalku ugu dhawaaqayo ugu daabacan yahay laakiin isaga lagama soo tir tiring ee waxa uu ula jeeday nawaaxigiis ayaan ka soo amba qaadnay.
Shabelle ayaa Makaroofanka la dhex qaaday qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho iyadoo hadal heynta bulshaduna ay ahayd maxaa wax looga qaban waayay xafiisyada dowladda oo afqalaad uu ku qoranyahay
Dad ayaa qaba in Tallaabada ay dowladda Hoose ay u qaadeyso arrintaan ay kaga golleedahay soo nooleynta in dadku ay daneeyaan Afkooda hooyo laakiin waxaa laleeyahay weli wax lagama qaban arrimo kala duwan oo ka muhiimsanaa, sida Lacagta Shilinka Soomaaliga oo sii baabe’eysa, dalka oo dhan aad looga isticmaalo lacagaha qalaad, Dugsiyada waxbarashada dalka oo wax lagu dhigo Luqadaha Qalaad xilli dalku uusan lahayn Manhaj rasmi ah oo si isku mid ah Caruurta Soomaaliyeed wax loogu baro,Horay waxaa Madaxweynaha Soomaliya uu u soo jeediyay in Xafiisyada dowladda looga shaqeeyo Afka Soomaaliga laguna qoro warqadaha tixraacana afka hooyo lagu qoro balse ma muuqdaan wax ka soo naasa cadaaday.
Shaqooyinka ay shacabka u soo bandhigto dowladda waxaa lagu soo Lifaaqaa afka qalaad iyadoo dadka loo soo bandhigayo ay yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa Xusid Mudan in shirarkii ugu dambeeyay ee looga hadlayay aayaha dalka ee loogu Magac daray wadatashiga qaran iyadoo waxa looga arrinsanayay ay ahayd Maslaxda dalka iyo dadka Soomaaliyeed , warbaahinta goob jooga aheydna ay yihiin kuwa Soomaalida Madaxdu inta badan ay isticmaalayeen afka qalaad waa kan Madaxweynaha Jubbaland oo ka dhiidhiyay arrintaas.
Hadaba isku soo duub Maamulka Gobolka Banaadir oo dib u billaabay qaadista Canshuuraha ayaa ku qaada lacagaha qalaad sid dhammaan laga wad warqabo.