WAR DEG DEG:- Kenya oo sheegatay in ay Dishay Madaxii Sirdoonka Al-shabaab

0

War kasoo baxay taliska ciidamada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradooda dagaalka ay duqeyn ku dileen maanta sargaalka Xarakadda Al-Shabab u qaabilsanaa dhanka sirdoonka Mahad Karataay.

Warkaan oo ay warbaahinta Kenya baahisay waxaa lagu sheegay in duqeyntaan oo ka dhacday meel ka mid ah Soomaaliya in lagu dilay Mahad Karatay oo ay dawlada Kenya ku sheegtay inuu ahaa madaxii sirdoonka Kenya iyo 10 sargaal oo kale oo la joogay sida warkaan lagu sheegay.

Wakaaladda wararka AP oo soo xiganaysa saraakiil Kenyan ah waxaa ay sheegtay in duqentu maanta ka dhacday meel ka mid ah koofurta Soomaaliya hase ahaatee lama sheegin halka duqeyntu ka dhacday.
Al-Shabab willi kama hadlin warkaan kasoo baxay dawlada Kenya ee ay ku sheeganayso inay dishay sarkaalkaas iyo xubnaha kale.

Mahad Karatay oo magaciisa kale la yiraahdo C/raxmaan Max’ed Warsame waxaa uu ku soo baxay liiska shaqsiyaad Al-Shabab ka tirsan oo lacag madaxooda la dul dhigay bishii April ee sanadkii hore.

Maraykanka ayaa sargaalkaan ku doon doonayay lacag dhan 5 million oo dollar waxaana lagu eedeeyay inuu wax ka maleegay weerarkii bishii April ee sanadkii hore lagu qaaday jaamacadda Gaarisa ee dadka badan lagu laayay.