Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallo dhinaca amniga ah oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ay ku soo xireen 26qof oo ay uga shakiyeen inay ka tirsan yihiin ururka al-Shabaab.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga fuliyey xaafado ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa, halkaasi oo ciidamadu ay gurguri u galeen.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa VOA u sheegtay in ciidamada ay gurgigooda soo galeen, hase yeeshee ay ka laabteen markii ay wax rag ah ka waayeen.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay in ka badan 300 oo qof, hase yeeshee baaritaan kadib laga reebay 26 qof, inta kalena lasii daayey.
Waxa uu sheegay in 26-ka qof ee la xiray ay yihiin xubno Al-Shabaab ah oo la yaqaan.
Halkaan ka dhageyso