DHAGEYSO:- Baarlamaanka oo sheegay in kulamada wada tashiga ee Dastuurka la geynayo Magaalooyinka Dalka

0

Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in qodobadii laga badalay Dastuurka KMG la keenayo Magaalooyinka Dalka sida Kismaayo, Cadaado, Beydhabo iyo magaalooyinka kale ee dalka si shacabka ku nool halkaasi ay talooyin ugu lahaada dhameystirka Dastuurka.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay waajib tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dhameystirka iyo dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka Dalka.

Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Baarlamaanka uu ku dadaalayo in lagu baahiyo dalka oo dhan dhameystirka Dastuurka.

Waxa uu sheegay in muqdisho lagu qabanayo shir weyne loogu hadlayo dib u eegista dastuurka ayna ka qeyb galayaan dhamaaan shacabka soomaaliyeed.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada muqdisho lagu qabtay kulan lagu daah furaayay dib u eegista dastuurka, waxaana hada soconayo kulamo wada tashi ah oo loogu hadlayo dib u eegista iyo dhameystirka Dastuuska Dalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-