DHAGEYSO:- Taliye Ku xigeenkii Saldhiga Degmada Balcad oo ka mid ahaa Saraakiishii Ku Geeriyooray Weerarkii Afgooye

0

Cabdiqani Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu xaqiijiyay in Taliye ku xigeenkii saldhiga Booliska degmada Balcad oo lagu Magacaabi jiray Sayid Cumar Shafeey in uu qeyb ka ahaa Saraakiil ku geeriyootay weerarkii Al Shabaab ay habeen ka hor ka fuliyeen degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye ayaa dhanka kale waxa uu faah faahin ka bixiyay khasaaraha guud ee ka soo gaaray Ciidanka dowladda Soomaaliya weerarkii Dagaalyahanada Al Shabaab ka fuliyeen degmada Afgooye taas oo uu sheegay in ay isugu jirto mid nafeed iyo mid hantiyadeed intaba.

Weerarkii Afgooye oo ay ku dhintay Askar ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa sidoo kale Al Shabaab ay ku qafaasheen gadiid dagaal oo Ciidanka dowladda ay lahaayeen.

Habeen ka hor ayaa cutubyo ka tirsan Ururka Al Shabaab waxa ay weerar culus ku soo qaadeen Gudaha degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow weerarkaas oo khasaarooyin kala duwan geystay.

Halkaan ka dhageyso