Xilli dhawaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la horgeeyay dib u eegis lagu sameeyay qaar ka mid ah Qodobada Dastuurka KMG ah ayaa waxaa arrintaas ka hor yimid Maamulka Puntland.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil oo Shabelle wareysi siiyay ayaa meesha ka saaray in ay ka maamul ahaan qeyb ka ahaayeen maamulladii aragtidooda ka bixiyay dib u eegista Dastuurka KMG ah.
Mr Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil ayaa ku tilmaamay in aan laga qeyb galin qorshaha dib u eegista Dasturka KMG ah qodobo ka mid ah ay micnaheedu noqoneyso in Puntland aysan aqoonsaneen wixii ka soo baxay.
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka maamulka Puntland Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil ayaa shaaca ka qaaday in Dasuurka KMG ah uu ka kooban yahay 15 Cutub kuwaas oo 10 ka mid ah la horgeeyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo aysan waxba kala socon Maamulkiisa Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Dhawaan guddiga Dib u ‘eegista ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in qodobada ay dib u eegista ku sameeyeen ee ka midka ahaa Dastuurka ay ka tala galiyeen Maamul Goboleedyada marka laga reebo maamulka Soomaaliland.
Halkaan ka dhageyso