DHAGEYSO:- Abaanduulaha Ciidanka Xooga dalka oo koormeeray deegaanka biyo cadde

0

Abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Cali Baashi iyo saraakiil kale oo ka tirsan CiidankaXooga Dalka ayaa maanta booqday deegaanka biyo cadde ee ka tirsan gobolka Sh/Dhexe oo dhawaan laga saaray Al Shabaab.

Abaanduulaha ayaa u kuur galaayay sida ay u howlgalayaan ciidamada Dowlada ee dhawaan la wareegay deegaankaasi iyo sida ay ula shaqeeyaan shacabka ku nool deegaankaasi.

Waxa uu sidoo kale koormeeray saldhigyada Ciidamada ay ka sameysteen deegaanka biyo cadde, waxa uuna warbixino ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada dowlada ee ku sugan deegaankaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-